Waalidiinta Cunug u dhintay qaadasho Sharoobo Ayaa Dacwo Furay

    Daniel iyo Katy Moore oo ah waalidiinta cunug 2 jir ahaa oo u dhintay sharoobada caruurta ee loo yaqaan Tylenol ayaa dacwad ku furay shirkada sameysay ee Johnson & Johnson.

    Daawooyinka caruurta qandhada ka jabsha, lagana isticmaalo dalka Mareykanka boqolkiiba sagaashan waxaa ku jira daawo la yiraahdo “acetaminophen” taas oo xanuun baabi’isa laakiin isla markaasna keenta dhaawac culus oo ku imaan kara beerka iyo qeybo kale oo oorganada jirka caruurta iyo qaan-gaaradaba ka mid ah.

    Waalidiinta aan aqrin karin digniinaha la socda inta badan kama war helaan xogta halista daawadan, ama waa ay yareystaan maadaama hay’ada xakameysa howshaan ee FDA’du ay baneysay isticmaalkeeda, inkasta oo ay dhawaan iyaduba walaac ka muujisay garaamada caruurta u banaan ee acetaminophen’ka

    Waana qodobka ay hadda ku doodayaan waalidiinta cunuga laba jirka ah ee 30 daqiiqo kadib markuu cabay sharoobada dhiig hunqaacay, kadibna geeriyooday.

    Waxaa looyarka waalidiintu sheegayaa in daawadan dhaawac culus gaarsiisay beerka,

    Halka waalidku iska leeyahay xanuunka qandho cunuga haka jabo, waa musiibo hadii oorgano aan dib loo soo celin karin baroseeskaas  uga dhaawacaan, shirkadaha waxan sameyana kaama qarin karaan sharciyan, laakiin inta badan dadku waa mid aan fahan iyo mid yareysta.

    Tags:

    Category: SOOMAALI

    Leave a Reply

    *

       Beat diabetes   Diabetes diet